DEG DEG: Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Guri Ceel

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in uu dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaallay degmadaas.

Kaalinta gubatay ayaa kasoo horjeedday saldhigga Booliska magaaladaas, waxaana adkaatay in la baqtiijiyo maadaama agabkii lagu damin lahaa aysan u dhameystirneyn.

Khasaaraha uu dabkaas geystay waxaa lagu sheegay in ay tahay gubashada guryihii agagaarkaas kuyaallay, iyo qaybo kamid ah saldhigga degmada.

Saacad iyo waxkabadan ayuu socday dabka, ugu dambeyn si tartiib tartiib ayaa loo daminayaa, welise wuu socdaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka.