Baarlamaanka oo u yeeray Wasiir Xoosh Iyo Xog Dheeriya oo laga Helaayo Sababta?

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin ka keenay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka ayaa kulankii maanta ku soo bandhigay mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Wasaaradda Dastuurka uu ku horyimaado goalaha shacabka kaddib markii uu ku lugyeeshay dood ka dhalatay go’aankii Golaha shacabka ku laaleen go’aankii maxkamadda sare ee dib u doorashada sideed Xildhibaan.

Wasiir C/Raxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii uu baarlamaanka go’aankaas qaatay  ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in go’aanka Baarlamaanka uusan waa faqsaneyn Sharciga sidoo kalena go’aan Maxkamadeed burin karto Maxkamad kale.

Xildhibaannada mooshinka ka keenay  Wasiir Xoosh ayaa ku eedeynaya sababta uu wax uga sheegay golaha shacabka,waxaana Shir guddoonku codsaday in Wasiir Xoosh uu golaha shacabka hortago maalinta Axadda ah ee soo socota.