Xaaskii Hore Ee Nelson Mandela Oo Joojisay Daabacaadda Buug Laga Qoray Halyeeygii Hore Ee Koonfur Afrika (Sabab Qariib Ah)

Graca Machel oo ahayd haweeneydii uu qabay Halyeeygii Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa maxkamad la tiigsaneysa qoraaga ahna dhakhtarka caanka ah ee Dr Vejay Ramlakan oo ahaa dhakhtarkii gaarka ahaa ee maalmihii ugu dambeyay nolosha halyeey Madiba.

Dr Ramlakan ayaa qoray buug uu kaga hadlayo wakhtigii ugu dambeeyay ee nolosha Nelson Mandela oo geeriyooday December 2013-kii, waxaana uu sheegay in uu fasax ka heysto xubno kamid ah qoyska Mandela.

Haweynaydii hore ee Mandela Marwo Graca Machel ayaa ka biya diidday go’aanka uu gaaray dhakhtarkan buugga ka qoray, waxa aynna ku andacootay in buugga uusan ahayn mid faaf reeban, waxaana sheegtay in ay kujiraan sheekooyin aan u baahneyn dibadda lasoo dhigo oo sir ah.

“Ma wanaagsana in aad sheegto wax walba oo aad maqasho, ama aad aragto, sidaa darteeda buugga waxaa kujira, sheekooyin quseeya qofka markuu buko, aanna u baahneyn in dibadda lasoo dhigo, sidaa darteeda, waxa aan ka codsaneynaa in uu Dr: dib u dhigo daabacaadda buuggan, haddii uu ka dhega fureystana, waxa aan la tiigsan doonaa sharciga,” ayeey u sheegtay warbaahinta Grace Machel xaaskii hore ee madaxwayne Nelson Mandela.

Shirkaddii u daabici lahayd buugga ayaa horaan ka codsatay mr Vejay in uu keeno oggolaansho dhanka qoyska Mandela ah, wuxuuna si aan sii tixraac lahayn u sheegay in uu ka heysto idin qaar kamid ah xubnaha qoyska.

Ugu dambeyn todobaadkan ayaa si rasmi ah loo loolay qorshihii Vejay Ramlakan, uu ku qorayay buuggiisa uu kaga hadlayay halyeeygii South Africa Nelson Mandela.

Madiba ayaa kamid ahaa magacyadii dunida nuuriyay qarnigii lasoo dhaafay iyo kan hadda bilawga ah, dunida ayuu ka dhuuntay (Geeriyooday) December 2013-kii, xilligaas oo uu ahaa oday 100-ka sanno dhawr tallaabo ay u jirto.