Madaxwayne Ku Xigeenka Galmudug Oo Bilaabay Qorshe Uu Horey Ugu Kufay Maxamed Siyaad Barre

Maxamed Xaashi Carabey oo ah madaxwayne kuxigeenka maamulka Galmudug ayaa dhawaan la kulmay madax ka socotay hey’adda qaramada midoobay ee UNDP, waxaana ay kala hadleen qorshayaal badan oo ay ka damacsan yihiin deegaannada maamulkaas.

Siyaasiyiinta maamulkaas ayaa u arka qaabka uu u dhaqmayo kuxigeenka Xaaf in uu lamid yahay Siyaad Barre oo heyb ahaan ay isleeyihiin maadaama uu madaxda isaga ka sarreysa uu ka qarsado marka shirar waa wayn laga qayb galayo.

Qab qable ahaan Xaaf ayaa ah qofka ugu muhiimsan labada dhinac, hasa yeeshee, mararka lala kulmayo madaxda ajaanibta ah waxaa ku wanaagsan kuxigeenkiisa Carabey oo la sheego in uu yahay NGOs-te aan la iska celin karin.

Hormarinta iyo wada shaqaynta labada dhinac ayaa lagu soo koobay shirkii jaraa’id ee dhex maray Galmudug iyo mas’uuliyiintii kasocotay hey’adda UNDP.