Ma Dhabbaa In Madaxwaynaha Galmudug Uusan Aqoon Sida Loogu Hadlo English-ka (Sheeko Xiiso Badan)

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu dhaleeceeyay inuusan gal gal fiican ku lahayn maamulkaas marka uu la kulamayo madaxda sar sare.

Dadka naqdiya siyaasadda ku saleysan qaboowga iyo kala maahsanaanta waxa ay iswayddiiyaan su’aal ah “Horta Xaaf Luuqadda English-ka ma yaqaanaa?” Shakigaas wuxuu yimid, kaddib markii xilli walba oo shir lala yeelanayo madax aan Soomaali ahayn uu matalo Galmudug madaxwayne kuxigeenka maamulkaas Mudane Maxamed Xaashi Carabey.

Carabey waa aqoonyahan iyo qof wax badan galgal ku leh dhanka siyaasadda ku dhisan lashaqeynta NGOs, ka ama hey’adaha aan dawliga ahayn, halka Xaaf-na uu weligiis ahaa qof aan siyaasadda soo dhex galin iska daa’ ee in uu hey’ado lug ku leeyahaye.

Si kastaba ha ahaatee, shakigan ah in madaxwayne Xaaf uusan English aqoon wuxuu ballaartay markii isagoo jooga uu madaxwayne kuxigeenka uu heshiis la galay hey’adda UNDP.

Ugu dambeyn, dadka qaar ayaa aaminsan in Xaaf uu luuqadda English-ka yaqaano, sidoo kalena uu si waali ah ugu hadli yaqaano, hasa yeeshee la dhaqanka iyo la fal galka Hey’adaha waa wayn uusan ku wanaagsanayn, taas oo keeneysa in maamulka Galmudug uu ka noqdo wasiirka arrimaha dibadda, halka kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey-na uu yahay wasiirka arrimaha dibadda maamulkaas.