Kooxo hubeysan oo maanta Dharaar Cad dhac ka geestay Carwo Moobeelada lagu iibiyo oo ku taala Muqdisho

Rag  ku hubeysan Bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in dhac iyo boob baahsan ay u geysteen Dukaan  ganacsi oo ku yaalla Suuqa Weyn Ee Bakaaraha ee Magaalaaa Muqdisho.

Ku dhawaad 5  Dhalin yaro oo iyagu Iska Soo Dhigay Dad Wax ka Iibsanaya Dukaanka,islamarkaana Watay Baco ayaa Waxaa la Sheegay in Gudaha ay u galeen Dukaanka, kadibna Ay bilaabeen inay Durbadiibada Bacaha ay Wateen kala Soo Baxaan Bistooladu,Iyagoona Kadib Xabadka Dhulka u Dhigay Shaqaalaha ka Shaqeynayay Dukaanka la Yiraahdo Dugaal Electronic oo ah Dukaanka Maanta  la Boobay.

Sidoo kale Waxaa ay intaasi Wararka ku Darayaan in Dableydii boobka u geysatay Dukaanka ay Wateen mooto Bajaaj,Iyo Jawaano fara badan oo ay ku uruursadeen Waxyaabihii yaalay Dukaankaasi,Mana Jiraan Wax lacag ah oo laga qaatay Dukaanka.

Waxaana intaasi kadib dhacday in Raggii hubeysanaa ay qaateen ama dhaceen waxyaabihii dukaanka Yaalay oo ay ka mid yihiin  Taleefoono badan iyo Agabyo kale.

Hayeeshee Dableydii Hubeysneed ee dhaca ka geystay Dukaanka Dugaal Electronic  ayaa Durbadiiba Goobta ka baxsaday,Waxaana Jira in Ganacsato aad u fara badan ay Goobta isugu yimaadeen,kadibna iska Xog Wareystay Sida ay Wax u dhaceen.

Maxamed Axmed Cabdi oo  ka mid ah masuuliyiinta Dukaanka ganacsiga ee hantidooda la boobay ee la Yiraahdo Dugaal Electronic oo la hadlay  Warbaahinta  ayaa sheegay in Dhibaato Weyn ay ku dhacday  Maanta,Islamarkaana Waxaa uu Sheegay inay Muhiim  Tahay In Xal laga gaaro Dhibaatooyinka noocan oo kale ee ka dhaca Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiraan Wax war ah oo ka Soo baxay maamulka Degmada howl-wadaag ee Gobalka Banaadir,kaasi  uu kaga hadlayo Boobka maanta Dabley Hubeysan ay ka geysteen Dukaanka ku yaala Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Dhacdooyinka Noocan oo kale ayaa badanaa Waxaa ay ka Dhacaan Suuqyada Ku yaala magaalada Muqdisho,Iyadoona horey Dabley Sidan oo kale u hubeysan Ay Dhac iyo Boob ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho