FIIRSO SAWIRRADDA: Shir Muqdisho uga socda AMISOM iyo dowladda

Xarunta Xalane ee Magaalada muqdisho waxaa ka furmay shir u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM kaasoo socon doona muddo afar maalin.

Qodobada shirkaan loogu hadlaayo waxaa kamid ah sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM, iyo qaababka loo wajahayo xilliga kala guurka ee ay AMISOM dalka ka baxeyso.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qalabeeyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegeen guud ahaan amaanka dalka.

Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, kaasoo dhigaya dhismaha ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegaya Ammaanka, marka la gaaro sanadka 2018.