Diyaaraddee Laga Mamnuucay In Ay Kusoo Dagto Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho? (Sir Muhiim Ah)

Shirkadda diyaaradaha ee Sam Express oo ahayd shirkadaha diyaaradahooda ay iskaga gooshaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga joojiyay shaqadii ay ka heysay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sababta ugu wayn ee shaqa joojinta loo sameeyay waxa ay tahay in ay taransid ku mareysay ama ku hakaneysay degmada Wajeer ee Wuqooyi Bari Kenya.

Dhawaan ayeey ahayd markii dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis ku aaddan in diyaaradaha Muqdisho ka duula ay toos ugu dagaan Jommo Kenyatta Airport ee magaalada Nairobi, baddalka diyaaraddan waxaa lagu ogaaday in ay si dhuumaaleysi ah ugu dagto Wajeer kaddibna halkaas ay safar kale ka gasho oo ku wajahan Nairobi.

Laba rakaab oo kala duwan ayeey qaaddaa, sida ay sheegayaan caddeymaha shaqada looga joojiyay, taas oo dhibaato ku ah heshiiskii dawladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee shaqa joojin noocan oo kale ah lagu sameeyo mid kamid ah diyaaradaha ka hawl gala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport.