Dil Muqdisho Maanta ka dhacay Iyo Faah Faahin Laga helaayo

Koox Bastooladley ah ayaa Maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dishay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Askariga la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cali Maxamed,waxaana Goobta ka baxsaday Kooxdii Dilka geysatay.

Ciidamada Ammaanka Degmada  Wadajir ayaa Goobta lagu dilay Askariga Baaritaano ka sameeyay,mana jirto Cid ay Falkaasi u soo qabteen.