Ciidamada Liyu Police oo Xiray Wado Muhiim ah oo Tagta Gaalkacyo

Ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu soo warramayaa in ay xireen waddo isku xirta degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob oo marta deegaanka Saaxo ee Gobolkaasi Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Liyu Police ay halkaas ka wadaan howlgallo aad u xoogan.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin tallaabadaan ay Ciidamada Liyu-Police-ku ku xireen wadadaasi oo Muhiim u ah isku socodka Dadka iyo Gaadiidka.

Lama Oga sababta ay uga golleeyihiin Ciidamada Liyu Police xeritaanka wadadaasi Muhiimka ah.