Alshabaab Oo Hub Ku Baddashay Laheystayaal Hey’ado Gargaar U Shaqeynayay

Maxamed Isaaq Ibraahim oo ah madaxda nabad sugidda iyo sirdoonka magaalada Baydhabo ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadol u xaqiijiyay in Alshabaab ayaa sii daayeen qaar kamid ah shaqaalihii gargaarka ee ay dhawaan gobolka Baay ku afduubteen.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in madax furashada ay bixiyeen ay iskugu jirtay lacag iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu sheegay in hadda ay badqabaan shaqaallahaas, kaddib 8-maalin oo ay gacanta ugu jireen urur diimeedka Alshabaab.

Laba dumar ah iyo Shan shaqaale jinsi ahaan rag ayeey ahaayeen la heystayaashan, waxaana Siddeed maalin kahor lagu af duubtay meel ku aaddan magaalada Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee warkan ayaa imaanaya xilli ehelada iyo asxaabta laheystayaashaas ay ka samreen, maadaama ay caado ahayd in Alshabaab ciddii gacantooda gashaa aysan si fudud uga soo baxsan.