Xildhibaan Qoone oo Cadaalad darro ku tilmaamay Miisaaniyadda loo kala qoondeeyay Maamul Goboleedyada Dalka.

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cadaalad darro ku tilmaamay Miisaaniyadda ay Wasaaradda Maaliyaddu u sameysay qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Dalka.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone Miisaaniyadda ay dowladdu u qorsheysay Maamulka Hirshabelle oo ka yar dhammaan Miisaaniyadaha Maamul Goboleedyada dalka.

“ waxaa habooneed in la garab istaago dowlad Goboleedyada Cusub ee kobaca sameynaya” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Qone.

Balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in dowladdu ay sare u sii qaaday dowlad Goboleedyo horay u dhisnaa oo leh dhaqalo ku filan sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Hirshabelle ayaa horay uga soo horjeestay Miisaaniyadda dowladda dhexe u qoondeysay Maamul Goboleedyada dalka.