Xamar Faallo iyo Been abuur ka dhan QORMO muhiim ah qalinkii Cumar Cabdullaahi Cumar

Markaan kasoo laabtay Muqdisho ayaa qof i weydiiyay xaaladdeeda amni iyo nololeed. Wixi wanaag aan kusoo arkay markaan u kala dhigdhigay, welina aan warkii wado ayuu iga soo dhex galay oo igu yiri war tan IGU SAWIRTA ah inta iga deyso nolosha dhabtaa iiga warran? Ciidan aan sagaal bilood mushaar qaadanin amniga ay sugaayaan muxuu yahay? Dadki shaqooyin looma abuurin oo waa bilaa camal, lacagahoodina waatan wasiirada ku dalxiisayaan? IQK.

Waxaan ugu soo gaabshay hadalkii, markaan arkay inuusan xaalka Xamar yaalo iga wareysaneyn ee uu xumaan raadis yahay, in aanan anigu xildhibaan aheyn kulamada baarlamaankana ka qayb gali jirin, doodaha uu watana baarlamaanka ay yaaliin. Xaqiiqda aan soo arkayna waa ciidan amniga gacanta ugu jiro, saacad ay hallis tahay in aad magaalada ku socotana aysan jirin 24 saac. Daaraha dhaadheer iyo ganacsiga kobcaayana aysan suurto gali leheen amni la’aan.

Dadku inta shaqeyso ma badna, mana jirto cid ku baryeeyso gaajo darteed, marki laga reebo xirfadlayaasha ku shaqeysta iyo dad daruufo gaar ah qaba. Nolosha bulshada iyo siyaasaddu waa kala laba. Siyaasaddu waxeey abuurtaa fursado nololeed iyo hiigsi fog, bulshaduna waxeey la jaan qaaddaa siyaasadda markaa jirta. Marka dowlad aan ka hadleyno waa labadaas qeybood oo isku tagay ee ma ahan in ey isaga keena darsamaan dowlad nimada naga wada dhaxeeyso mucaarad iyo muxaafid, iyo xukuumado cimrigoodu 4 sano yahay oo kolba koox ama xisbi hogaaminayaan. Si aan xukuumadda jirtaa u dhaliilno ma qabo inaan dafirno horumarka dowlad nimo een ku tillaabsaneyno. Ogoow ummad aan dowlad laheyni heer ma gaari karto, haddeey kula tahay in shacab kaligii wax qabsan karaan.

Tusaale: habeen 9kii fiidnimo ayaan ku dhex lugeynaayay xaafadda SIISII anigoo wax baqdin ah qabin, walibana intaan mobilkeyga lasoo baxay yaan iska duubayay Snapchat. SIISII IYO SIRAADKA AAQIRO waa naaneys u baxday xilligii hogaamiye kooxeedka. Waxaa ka dhici jiray meeshaas fal walbo oo xun oo qof bini’aadam ah sameyn karo, dad ayaana ku noolaa oo iskala macaamili jiray duruufahaas adag. Haddii bulshadu iskeed wax u sameysan karto maxeey markaas daaro dhaadheer uga dhisan waayeen xaafaddaas, ammaankana u sugi waayeen? Ma dhici karto, sababtoo ah waxaa hageysay siyaasad xun oo ku dhisan dad cunnimo iyo qabyaalad, iyo siyaasi kasto oo beeshiisa rabay inuu xukunka ku qabsado.

Alxaasil sawirrada aad arkeysaan ma ahan indho sarcaad, mana ahan wax ALLAAH samada nooga soo dajiyay ee waxeey ku dhismeen fursadaha siyaasadda dowladda ay suurta galisay. CIIDAMADA AMAANKA si doontoo aysan mushaar ku filan u helin ama bilaha qaarba u qaadanin wax mushaar ah, haddana argagixisada iyo nabad diidkuba kuma cararin afar faataxo iyo inkaar ee waxaa u beer adeygay oo u diiday fursad walboo ay wax ku dhibaateyn kareen, ciidamadeena geesiyaasha ah oo aan anigu abaal gaar ah u haayo. Ma dhahaayo dhaliil malahan laftooda, laakiin wax tarkooda ayaa ka badan taas.

Marka aan wax dhaliilayo ma ahan inaan ka mid ahay koox mucaarad ah, waxaanse gudbinayaa cabasho. Marka aan wax ammaanayana ma ahan inaan muxaafid ahay, waxaan bogaadinayaa uun ficillo wanwanaagsan oon ka marqaati ahay. Ha is dhihin ninkaan Alif wax ma leh iyo wax buu leeyahay isku wada muxuu yahay. 

Mahadsanidiin.
Omar Abdullahi Omar