Wax Ka Ogoow Kulanka Baarlamanka oo maanta looga hadli doono qodobo xasaasi ah

Maanta waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,iyada oo kulankooda ay uga hadli doonaan arimo dhowr ah.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay Maanta ka doodi doonaan ama Ajandahooda uu yahay la dagaalanka musuq maasuqa,iyada oo loo qeybin doono Sharciga ladagaalanka Musuq maasuqa.

Kulanka waxaa Goobjoog ka noqon doona Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya isaga oo Baarlamaanka kahor akhrin doona Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa.

Amaanka Wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka iyo kuwa ka baxa ayaa aad loo adkeeyay,waxaana haatan socda qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan qabsoomida kulanka Baarlamaanka.