Warfaa:-“Waa In Laga Dhabeeyo Go’aanka La Gaaray Ganacsatada Taageerta Al-shabaab”

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay talaabo wanaagsan go’aaankii dhawaan kasoo baxay hay’adaha amniga dowladda Soomaliya ee ku aadan in aan la taageerin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay tahay mid loo baahan yahay in Dowladda Soomaliya ay Ganacsatada Soomaliyeed  ku booriso in aysan garab istaagin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama.

Sadiiq Warfaa  waxa uu sheegay in Hay’adaha amniga laga doonaayo inay u kuurgalaan dhammaan shaqsiyaadka laga hayo macluumaadka,islamarkaana laga dhabeeyo go’aanka la gaaray ganacsatada taageerta Al-shabaab.

Waxa uu sidoo kale xusay  Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan dowladda si ay u badbaado Hantidooda.

Haddalka  kasoo baxay Guddiga ayaa kusoo beegmaaya xili Hay’addaha Amniga dowladda ay habeen hore soo saaren Go’aamo adag oo ku aadan Ganacsatadda taageerta dagaalyahanada Xarakada  Al-Shabaab.