Talladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Xal U Noqotay Murankii Wasaarradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya (Haddaba Sidee?)

Eng Cabdi Canshuur Xasan oo ah wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaqada ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaarraddaas Axmed Xaaji Cabdi.

Falkan ayaa dadka fallanqeeya siyaasadda Soomaalida ku tilmaameen in ay tahay hab cusub oo lagu qancinayo xoghayihii joogtada wasaarradda arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim oo isna dhawaan xilkiisa waayay, shaqadana laga joojiyay.

Sida muuqata waxaa Axmed Xaaji Cabdi oo ahaa agaasimihii wasaarradda Boostada iyo isgaarsiinta loo dhiibi doonaa xilka wasaarradda arrimaha gudaha Soomaaliya, halka Yaxye isna loo wareejin doono dhanka wasaarriddii Axmed Xaaji laga soo qaaday.

Waa xalka ugu wanaagsan ee sheekada muranka dhalisay ee u dhaxeysay wasiir Juxa iyo Xoghaye Yaxye Ibraahim lagu dhammeyn karo, maadaama heer madaxda qaranka ay gaartay.

Talladan waxaa soo jeediyay dhawaan wasiirkii hore ee iskaashiga caalamiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur war uu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga.