Safaraadda Isra’iil Ee Jordan Oo La Weeraray Iyo Khasaaro Adag Oo Ka Dhashay

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlay dhismaha safaaradda Israiil ay ku leedahay gudaha dalka Jordan, kaddib markii uu galay qof ka shaqeynayay sameynta Alaabta.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday weerarkaas daqiiqadaha socday, halka sidoo kale laba qofood oo uu kujiro shaqsi Yahuudi ah uu ku dhaawacmay.

Telviv ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho weerarkaas lagu qaaday safaarraddooda dalka Urdun ama Jordan hadba sida aad u taqaano.

Sida cad beryihii lasoo dhaafay waxaa jiray shaqaaqad u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Yahuudda oo salka ku heysay arrinka masjidka barakeysan ee Qudus.

Lama oga waxa rasmiga ah ee sababay falkan, inkastoo dadka qaar ay sawiranayaan in uu la xiriiro arggigixisanimo, islamarkaana ay fulisay kooxda Islaamiyiinta ee Daacish.