Nolol Mise Geeri:- Halkee Buu Ku Dambeeya Madaxwaynaha Nageria Mohammadu Buhari?

London wararka innaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in 80-maalin kaddib warkiisa la helay madaxwaynaha dalka Nageria Mohammadu Buhari, kaas oo xaallad caafimaad xumo la daalaa dhacayay.

Markii ugu horeysay ayeey sawirradu soo qabteen, isagoo la fadhiya guddoomiyayaasha gobolada ay kasoo jeedaan xisbigiisa tallada haya, isagoona kala hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen faqriga iyo Boko Haram-ta isbaheystay.

Magaalada London ayuu u aaday Buhari xaallad caafimaad iyo in uu la tacaallo cudur aan heybtiisa la shaacin, hasa yeeshee dadka Nagerian ka ayaa is dhex socday, oo ka shakisanaa in uu nool yahay madaxwaynaha maadaama 100-maalin ku dhawaad uu dibadda ku maqan yahay, haddana wax hadal ah aan laga heyn.

Si kastaba ha ahaatee arrintan waxa ay kusoo aadeysaa xilli Boko Haram iyo qolyaha mucaarradka ah ay magaalada geliyeen xan sheegaysay in Buhaari uu geeriyooday islamarkaana ay dawladdu qarineyso.