Maxaad Kala Socotaa Liiska Afhayeennadii Soo Maray AMISOM, Waddamada Ay U Dhasheen Iyo Darajada Ay Ciidanka Ka Joogaan? (Xog Dhammeystiran)

Tan iyo February 2007, Soomaaliya waxaa joogay ciidamo ka tirsan hawl galka nabad ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo ka kala socday waddamada gobolka, si ay Soomaaliya uga caawiyaan xaaladda Ammaan xumo ee ka jirtay xilligaas ilaa maanta.

Ciidan walba iyo hoggaankooda, guuto walba iyo af miishaarkooda, waa astaamaha lagu garto ciidan dhammeystiran oo u baahan in ay guuleystaan, sida qubarada Militeriga ku takhasusay ay aaminsan yihiin.

Tan iyo maalinkii u Salaad Cali Jeelle oo kamid ahaa golihii wasiirrada xukuumaddii Cali Maxamed Geedi uu ku dhawaaqay in ay soo dhaweeyeen AMISOM, hawlgalkaas wuxuu lahaa shakhsiyaad ilaa maanta la xusuusto.

Af hayeenimadu marar badan waxaa qofka loogu xishaa in uu yahay qof wanaagsan oo cod kar ah, sidaa darteeda qof walba oo af hayeen laga dhigo waxa ay la micno tahay in uu ka hadal iyo cod karsan yahay inta ku aynniga ah, ama uu kamid yahay dadka ugu hadal deeqsiinta badan ciidanka ay meesha wada joogaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaan diirradda saari doonaa ciidanka AMISOM ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta, todobaadyada soo aaddan, maalin kasta haddii uu illaahay idmo waxa aan kasoo qori doonaa hal ilaa laba qoraal oo aan ku kashifeyno sir culus oo ku saabsan AMISOM.

Maanta waxa aan dib u milicsan doonaa Af hayeennadii AMISOM ee qabtay xilkaas, tan iyo maalintii ay soo caga dhigteen Airport-ka Militeriga magaalada Muqdisho ee ku yaalla degmada Xamar Jabab gaar ahaan xeradii hore ee ciidanka cir ee AFISIONI February 2007.

Inta badan dadka reer Muqdisho aad ayeey u garanayaan labadii af hayeen ee ugu horreysay AMISOM, maadaama ay si xawli ah ula jaan qaadi jireen warbaahinta Soomaalida, waana Kabtan Paddy Akunda iyo saaxiibkiisii General Barigye Bohuko oo labada ba kasoo jeeday dalka Uganda.

Lix Af hayeen oo kala duwan ayuu yeeshay hoggaanka AMISOM, waxaana ugu dambeeya Joe Kibet oo Kenya u dhashay kaas oo xilkan haya tan iyo April sannadkan 2017.

Haddaba Hoos ka akhriso Liiska Af hayeennadii soo qabtay xilka AMISOM, waddamada ay kasoo jeedaan, wakhtiga uu qabtay iyo kan uu ka degay.

No.

Magaca

Dhalashada

Qabtay

Ka Tegay

1

Capt. Paddy Akunda

 Uganda

March 2007

2008

2

Maj. Barigye Bohuko

 Uganda

2008

3 May 2011

3

Lt. Col. Paddy Akunda

 Uganda

3 May 2011

8 July 2012

4

Col. Ali Aden Houmed

 Djibouti

8 July 2012

December 2014

5

Lt. Col. Paul Njuguna

 Kenya

16 March 2015

April 2016?

6

Lt. Col. Joe Kibet

 Kenya

April 2016

Hadda

Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh Xuseen Shaaciye Iyo Hillinka wararka ee Shaaciye.com