Jubbaland Oo Maxaabbiis Xabsiga Ku Xasuuqday (Arrin Wuxuushnimo Ah)

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in ciidan ka tirsan maamulka Jubbaland ay xabsiga kala baxeen afar dhallinyaro maxaabiis ku ahayd xabsiga dhexe ee degmadaas, kaddibna dulleedka magaalada lagu soo toogtay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhallinayaradan qaarkood loo soo qab qabtay inay ku luglahaayeen weerar Bambo gacmeed loo adeegsaday oo lala eegtay mid kamid ah nabaddoonnada degmadaas, wax caddeyn ah looma hayo in ay iyaga ka dambeeyeen weerarkaas, oo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay.

Mid kamid ah dhallinyarada la toogtay ayaa ahaa dhallinyaro aan sidaas u sii qaan gaarin, oo lagula deg degay toogashada.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka Jubbaland ayaa xasuuq Ethiopianimo ah ka wada qaybo kamid ah degmooyinka uu maamulkaas ka arrimiyo.