Ilaallada Ra’iisul Wasaaraha Oo Ku sigtay In Ay Khaarijiyaan Mid Kamid Ah Xildhibaanada Qaranka (Xog Muhiim Ah)

Ilaallada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sigtay sida ay sheegayaan warar hoose oo ay helayso Shaaciye in ay khaarijiyaan xildhibaanad Biibi Cismaan Maxamed oo ka tirsan guddoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Mid kamid ah ilaallada Xildhibaannadda ayaa usheegay saxaafadda in ay kusoo kordheceen iyadoo waddada madaxtooyada gasha ay u xaran tahay ra’iisul wasaare Kheyrre, kaddib wuxuu sheegay in illaalada hore ay aqbaleen in lasii daayo kaddib markii ay sharraxday in ay tahay xildhibaannad qaran, markii ay dhaafeen Jag-pontigii koobaad, waxaa durba meel dheer ka arkay qaar kamid ah ciidanka illaalada u ahaa ra’iisul wasaaraha, iyagoon hubsan ayeey xabbad hubiyeen, taas oo ku qasabtay xildhibaannada ay ka noqoto goobtaas.

Falkan ayaa imaanaya xilli sidaas oo kale uu ku baxay allaha u naxriistee wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska SOomaaliya Cabaas Siraaji.

Wax hadal ah kama soo bixin xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ku aaddan falkaas lagu khaarijin rabay xildhibaannadda qaran.