FIIRSO Alshabaab Oo Filim Lala Yaabo Ka Sameeyay Dagaalka Ay Kula Jiraan Dawladda Kenya

Dhaq dhaqaaqa Alshabaab ayaa soo bandhigay muuqaal Film ay kasameeyeen dagaalladii ay la galeen dawladda Kenya, intii ay Soomaaliya kujireen.

Dhawaannahan Alshabaab ayaa aad u badinayay muuqaallada iyo Filmada ay soo duubayaan, sidaa darteeda Filmkan wuxuu qayb ka yahay Borobagaandada ururkaas ee dhanka warbaahinta.
Muuqaalka wuxuu ka kooban yahay Kenya iyo kahor inta aysan soo galin gudaha Soomaaliya iyo kaddib markii ay soo galeen, muuqaalkan wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo dhammaan aad Shaaciye ka daawan kartaan, midna waa luuqadda Englishka halka kan kalena uu yahay luuqaddeenna Hooyo ee Af Soomaaliga.
Weeraro kala duwan ayeey Alshabaab la beegsadeen ciidanka Kenya ee kamidka ah hawl galka AMISOM ee 10-jirsaday, hasa yeeshee Alshabaab ayaa dhawr jeer khasaaro adag gaarsiiyay ciidanka Kenya gudaha dalkooda iyo gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011.
Filmkan sida lagu baahiyay idaacadda afka Alshabaab Ku hadasha ee Andalus waxaa soo saartay qaybta Al Kataa’ib ee warfidiyeenta u qaabbilsan Alshabaab.
Haddaba Daawasho wacan, muuqaalka hore waa Af Soomaali, halka kan kalena uu yahay English.