Duufaanno Khasaaro Geystay Oo Ku Dhuftay Bariga Soomaaliya

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in degmada Caluula ee gobolka Bari xalay ay ku dhufatay dabeyl waali ah oo khasaaro geystay.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in khasaaro hantiyadeed ay geeysatay dabeyshaas, maadaama ay burburisay guriyo iyo dooman xeebta ku xernaa kuwaas oo ugu dambeyn dabeshu burburisay.

Lama xaqiijin in khasaaro nafeed ay geysatay dabayshan ku dhufatay xeebaha degmada Caluula iyo deegaannada ku teedsan, hasa yeeshee dadka deegaanka ayaa aad uga wel wel qaba in markale ay ku dhufato dabeeshaas oo kale.

Ma jirto cid gar gaar la gaartay dhibanayaashaas kaluumeysatada u badan ee doomahooda dabeyshu burburisay, hasa yeeshee dadka deegaanka ayaa aaminsan in ay kasoo kaban karaan duufaantaas, haddii aysan mid kale ku dhufan wakhtiga xiga.