DEG DEG: Taliyihii Ciidanka Taraafikada Oo Taleefoon Xilka Looga Qaaday Iyo Taliye Cusub Oo La Magacaabay

Warar deg deg ah oo Muqdisho inaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in taliyihii ciidanka Ilaallada waddooyinka magaalada Muqdisho General Cali Xirsi Barre Cali Gaab xilka laga qaaday.

General Cali Maxamed Cali oo horey usoo noqday taliyaha ciidanka taraafikada ayaa markale xilkaas loo magacaabay, sida warar hoose ay sheegayaan.

Ma jirto wax wareegto ah oo loo cuksaday xilka qaadista lagu sameeyay Cali Gaab, taas oo muran dhallinkarta, maadaama uu ahaa taliyihii ugu wanaagsanaa sida dad badan ay qabaan ee xilkan soo qabtay tan iyo burburkii.

Taleefoonka gacanta ayaa loogu sheegay Cali Gaab in xilkii taraafikada laga qaaday, taas oo jahwareer ku furtay isaga, maadaama uu shaqadiisa iyo waajibkiisa dawliga ah gudanayay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xilka qaadista Cali Gaab, oo xilkan qabtay uun bishii Afaraad ee sannadkan.

Saddex bil kaddib galabta ayaa laga qaaday xilkaas, Cali wuxuu horey usoo noqday taliyihii Booliska gobolka Banaadir, balse wuxuu rejeynayay in uu wareegto madaxwayne iyo mid kale ba ku deg, mana filayn sida uu warbaahinta si hoose ugu sheegay Cali Gaab in Taleefoonka oo keliya xilka loogu qaadayo.

Wararkii kasoo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa oo baaqi ku ahaada Shaaciye.com