Dawladda Soomaaliya Oo Inkirtay Maqaal Uu Qoray Wargeys Caalami Ah Kaas Oo iska Hor keenayay Ganacsatada Iyo Dawladda

Website ka caanka ah eeĀ africaintelligenceĀ ayaa soo qaatay soona xigtay wargeyska wararka ee Indian Ocenia caddadkiisii 1455,-kaas oo soo baxay 21-July sannadkan 2017.

Waxaa kuqornaa cinwaanka hore “Dawladda Soomaaliya Oo Wel Wel Gelisay Reer Galbeedka”, waxaana uu inta badan ay ka hadleysaa warbixintan xiriirka ka dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo ganacsatada waa wayn ee Soomaalida.

Illaalinta sumcadda shaqsiyaad ay kamid yihiin Axmed Nuur Jimcaale oo ah guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, C/rashiid Ducaalle Dhiigshiil oo ah guddoomiyaha Dahabshiil Group, iyo Maxamed Yuusuf Oo madax ka ah Bankiga caalamiga ee Salaam Soomaali Bank.

Mareykan ka ayaa qaarkood ganacsatadan ku eedeeya in ay taakuleeyaan argigixisada, dhawr jeer oo horey ayaa xanibaadyo kala duwan la saaray qaar kamid ah shakhsiyaadka kor kuxusan, sidaa darteeda cinwaanka sheekada uu qoray wargeyska Indian Ocean waxa ay tahay dawladda Soomaaliya oo dulaal u noqoneysa ganacsatada si looga sasabo Mareykan ka.

Si kastaba ha ahaatee Dawladda Soomaaliya ayaa diidday warbixintii lagu qoray Jornaalkaas, waxaana ay sheegtay in uu yahay mid dhiiro gelinaya fawdada ka socota dalka Soomaaliya, uuna iska horkeenayo dawladda iyo ganacsatadeeda.