C/raxmaan C/shakuur Oo Taladii Ugu Wanaagsanayd Siiyay Madaxda Qaranka Si Xal Loogu Helo Arrinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Dhawaan waxaa socday khilaaf u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo wasiirru dawlaha wasaaraddaas, kaas oo salka ku hayay xil ka qaadistii lagu sameeyay mudane Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa xog hayihii joogtada wasaarraddaas.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa aragtidooda ka dhiibtay iyo sida uu xalku noqon karo, haddii labadii wasiir ee wasaaraddaas ay is fahmi waayeen.

Cabduraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo horey usoo noqday murashax madaxwayne, sidoo kalena noqday wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga xilligii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhiibtay aragtidiisa ku aaddan sidii loo sixi lahaa qaladkan, loona qancin lahaa mas’uulka xilka laga qaaday.

Warsame ayaa ku taliyay in wasaard kale la geeyo Yaxye, si lamid ah sidii horey loogu sameyay Dr Ismaaciil Jimcaale oo wasaarraddan xog haye kasoo noqday, kaddibna ay isku dhaceen C/raxmaan Odawa, kaddibna xalkooda uu noqday in Dr Jimcaale la geeyo wasaaradda Caddaaladda, baddalkana xilligaas la keenay Yaxye Cali Ibraahim oo isna shalay xilka laga qaaday.

waxaana uu aragtidiisa kusoo qoray barta uu ku leeyahaya Facebook-ga, sida tan ayeeyna u qorneyd.:-

Xil ka qaadista uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sameeyey xoghayaha joogtada waxaa ka dhashay falcelis aan hanaanka dawladnimo ku haboonayn. Sidan oo kale ayaa wasiirkii ka horeeyey Mudane Odowaa uu digreeto xilka uga qaaday xoghayihii joogta ahaa Dr Ismaaciil Jimcaale, kuna magacaabay xoghaya haatan xilka laga qaaday Mudane Yaxye Cali.

Waxaa ila haboon in wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha ay cudur daar ka bixiyaan hab dhaqanka khilaafsan hannaanka iyo habraaca maamul ee dawliga ah, Mudane Yaxyena xil kale loo raadiyo, sidii la yeelay Dr Jimcaale oo Wasaarada Cadaalada la geeyey.

Dalka weli xaalad nuglaansho ah ayuu ku jiraa oo tanaasul, kab kab iyo isku keen mudo qaadanaya u bahaan.”