Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qarka U Saaran In Albaabada La Iskugu Dhufto (Muran Iyo Dood Ka Taagan Awgeed)

Wasiirru dawlaha wasaarradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullahi Faarax Wehliya ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan xilka qaadistii lagu sameeyay xoghayihii Joogtada wasaarradda arrimaha Gudaha Soomaaliya, Yaxye Cali Ibraahim.

Wareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa xilka looga qaaday Yaxye oo lagu eedeeyay in uu hawshiisa gudan waayay, taasna ay keentay in uu waayo xilkiisa.

Si kastaba ha ahaatee digreeto kasoo baxday wasiiru dawlaha Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu diiday go’aankii xilka looga qaaday Yaxye Cali Ibraahim, waxaana middaas ay dib u dhac ku ridi kartaa hawlihii wasaarradda maadaama uu muran soo dhex galay madaxdii wasaaraddaas.

“In Marka hore la horgeeyaa ra’iisul wasaaraha, sidoo kale golaha wasiirrada la marsiiyaa kaddib ayuu xaq u lahaanayaa in xilka laga qaado qofka xog hayaha joogtada haya” ayuu u sheegay warbaahinta Cabdullahi Faarax Wehliya oo ah wasiirru dawlaha Arrimaha gudaha.

Haddaba akhriso Wareegtada Wasiiru Dawlaha uu ku qaadacay amarkii Wasiir Juxa