WAR CULUS:- Al shabaab oo Xiray Addeega Fariimaha Deg Dega Ee Soomaaliya iyo Hanjabaad

Labbadii Sanno ee lasoo dhafay waxaa Hay”addaha Warbaahinta ee Soomaaliya  waxa ay isticmaalayeen Addeega Fariimaha Deg Dega ee loo yaqaano (SMS News Alert) si dadka ku tixan ay kaga haqabtiraan baahida ay u qabaan wararka deg dega ah.

Dadka loo dirro fariimahaasi deg dega ah ayaa iyagu dhiibi jiray Bishii qidmo(Lacag) gaaraysa 1$ oo ay kala qeysanaayeen shirkada warbaahinta ee iyadu direyso, shirkaddaha Fududeynayo Addeegani.

Addeegani ayaa ahaa addeeg si dhaqsi ah ku shaac baxay oo wada gaaray badi dadka ku nool Soomaaliya, waxaase 3 Billood ka hor Idaacadda Afka Alshabaab ku hadasho ay shirkadda Bixisa addeegani ay ka dalbatay in ay addeegani ay u furaan, balse shirkada ayaa ka gaabisay fulinta codsiga kasoo baxay Idaacaddaasi.

Waxii intaas ka dambeeyey Idaacadda Al-Furqaan ayaa dacwad ka dhan ah shirkadda fududeyso addeegani u gudbisey alshabaab si loogu furo, waxayna alshabaab go’aan ku gaareyn in addeegani gebi ahaanba shirkadda bixisa ay joojiyaan amaba ay Idaacadda afkooda ku hadasho ay u furaan si lamid ah sida ay ugu fureyn warbaahinta afka dowladda ku hadasho.

Waxayna u muuqataa in shirkadda Bixisa addeega fariimaha deg dega ah ay qaadatay in ay joojiso addeegani maadama ay ku adkaatay in ay u furaan.

Alshabaab ayaana sheegtay in ay caqaawib xun ay ku yeelaneyso shirkaddaha amarka kasoo baxay aanan dhaqan gelin iyo dadka isticmaala ee ku sugan deeganada ay ka taliyaan.