Waardiyihii Gaarka Ahaa Ee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalan Oo Isku Dhiibay Alshabaab

Alshabaab ayaa soo bandhigay nin ay ku sheegeen in uu ahaa Waardiyihii gaarka ahaa ee xildhibaan Bootaan Ciise Caalam oo kamid ah golaha shacabka DF Soomaaliya.

Deegaanka Gal hareeri ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay Shahaad Maxamed Axmed oo ahaa mid kamid ah askarta illaalada u ahayd Bootaan Ciise Caalim.

Ma ahan wax lala yaabo in aad maqasho ilaaliye xildhibaan oo Alshabaab isku dhiibay, haddiiba aan horey u aragnay Xildhibaan Saalax Badbaado oo isqarxinaya islamarkaana isku dhiibay Alshabaab.

Saraakiil katirsan ururka Alshabaab ayaa ka khudbadeeyay munaasabaddii lagu soo bandhigayay Shahaad Maxamed Axmed, kaas oo isku dhiibay Alshabaab, sidoo kalena sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kasoo tawbad keeno dhammaan wixii dambi ah ee uu kujiray intii uu istaaf u ahaa xildhibaan Bootaan Ciise oo uu ku sheegay in uu u baahan yahay in uu soo tawbad keeno.

Waa markii ugu horreysay oo Askari kamid ah ilaalada madaxda qaranka uu isku dhiibo ururka Alshabaab, idaacadda ku hadasha afka Argigixisada ee Andalus ayaa baahisay codka Shihaad Maxamed Axmed, oo ku faraxsan in uu kasoo goosto dhanka dawladda.

Su’aal lagu daray calaamad cajiib ayaa dul saaran sida ay ugu fududaatay qof waardiye u ah xildhibaan qaran uu xiriir la sameeyo urur argiggixiso oo sida Alshabaab oo kale ah.