Sawirro: Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Seychelles Iyo Xog laga Helaayo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdiso kula kulmay Wafdi ka socday jaziiradda Seychelles  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Wefigan ka socda jaziiradda Seychelles  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dowlaha arimaha dibadda, waxayan la kulmeen Kulankan ay wada yeesheen Raisuwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee jaziiradda seychelles,  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiirka Kalluumaysiga khayraadka Badda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta Xiriirka Labada dowladood Arrimaha la xariira Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles iyo la dagaalanka Burcad Badeeda.

Barry faure Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Seychelles  oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Khayr sheegay in dowladda ay xoogga saarayso dib u soo celinta maxaabiista ku xiran Seychelles  iyo dalalka kale.

Bilowgii Bishan Luulyo ayaa R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Seychelles,iyagoo ka wada hadlay arrimaha maxaabiista Soomaalida isla markaan heshiis is afgarad ah ku kala saxiixday halkaas.