Sanbalooshe Oo Alshabaab U Fududeynaya In Ay Qaraxyada Iyo Dilalka Qorsheysan Ku Bataan Magaalada Muqdisho (Sabab Cajiib Ah Awgeed)

 Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa shalay galab ku dhawaaqay go’aan qar iska tuurnimo ah,kaas oo ganacsatada ku cadaadinaya in aysan wax lacag ah siin ururka Alshabaab.

Sheekada marka ay halkaas mareyso su’aasha u baahan in la wayddiiyo Sanbalooshe iyo xertiisa  waxa ay tahay “Haddaba, yaa damaannad qaadaya ganacsatada diidda amarka Alshabaab?,” haddii su’aashaas jawaab loo helo diyaar ayeey noqon karaan ganacsada, hasa yeeshee wixii kasokeeya xaq ayeey u leeyihiin sida ay aamminsan yihiin qaar kamid ah aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta, maadaama Alshabaab ay baad ay wadaan.

Sanbalooshe ayaa sheegay in ay dawladda la wareegi doonto cid walba oo la ogaado in uu Alshabaab lacag siiyo, taas oo laftigeeda meel ka dhac iyo cabburis ku ah xuquuqda qofka.

Dhibaatada ugu wayn ee ka dhallan karta amarkan wuxuu yahay in ay badtaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada goobaha ganacsi lala beegsado islamarkaana ay mas’uuliyaddooda leeyihiin Alshabaab.

Haddii uusan dooneyn in uu alshabaab u fududeeyo in ay qaraxyo badan ka geysteen Muqdisho, Sanbalooshe wuxuu ka noqonayaa go’aankii ahaa in uu la ciqaabi doono qofkii Alshabaab LAcag siiya.