Saddex-dii Maalin Ee Ugu Dambeysay AMISOM Maxay Muqdisho Ku Qabatay? (Xog Muhiim Ah)

Saddex-dii maalin ee ugu dambeysay saldhigga ugu wayn ciidanka hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ay ku leeyihiin xerada Xalane waxaa ka socday shir jaraa’id oo looga hadlayay xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka kala socotay waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa ka qayb galay, halka lagu casuumay qaar kamid ah saraakiisha ammaanka dawladda Soomaaliya.

Dhinnacyadii shirkaas ka qayb galay waxa ugu wayn ee ay ka wada hadleen waxa ay ahayd xal u helidda qaraxyada iyo weerarada Alshabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho, maadaama dhawr jeer oo horey si isku mid ah ay Alshabaab  u weerareen xarrumo shacab iyo mid dawladeed.

Ugu Dambeyn Shalay ayaa lasoo gaba gabeeyay shirkii amaanka ee AMISOM Muqdisho ku lahayd, waxaana la isla goostay in la isla shaqeeyo oo la muujiyo midaw ka dhan ah cadawgooda oo ah Alshabaab iyo Argiggixiso.