Ra’iisal Wasaaraha oo kulan la qaadanaya Maxaabiistii laga keenay Dalka Ethiopia

Xasan Cali Kheyrre ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray Xabsi ku yaala agagaarka Dekedda magaalada Muqdisho oo lagu xareeyay Maxaabiistii xalay laga keenay Dalka Ethiopia.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xiligaan ku sugan Xabsiga waxaana kulankaasi ku wehliya Xubno wasiiro iyo Xildhibaano ah kuwaas oo waqti la soo qaadan doona Maxaabiistii ku xirneed Dalka Ethiopia oo xalay dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Wariyaal ayaa gaaray halkaasi waxaana la filayaa in markii uu dhamaado kulanka Saxaafadda ay la hadlaan ra’iisal wasaaraha iyo xubanah la socda.

Waxyaabaha ugu weyn ee lagala hadlaayo ayaa lagu sheegay in ay tahay ka war helidda caafimaadkooda iyo inloo sheego in Dowladda ay fursad siin doonto Ehelada Maxaabiista si ay ula kulmaan.

la soco wixii ku soo kordha.