Diyaarad Sidda Ciidan Ka Tirsan Hawl Galka AMISOM Oo Soo Caga Dhigatay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan dawladda Uganda oo cusub ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay baddal ugu noqdaan guuto horey oo Kampala loo diray.

Muddo Lix bilood kasta waxaa baddal lagu sameeyaa guuto kamid ah hawl galka midawga Afrika ee AMISOM, sidaa darteeda guutada cusub waxaa soo dhawayn wanaagsan u sameeyay qaar kamid ah saraakiisha ugu sar sareysa AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Ciidamada soo dagay ayaa iskugu jiray jinsi ahaan rag iyo dumar u wada dhashay dalka Uganda, dhammaanna dhawaan ayeey soo qalin jabiyeen oo ay soo qaateen darajadoodii koobaad ee ciidanka, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta ciidankaas.

Si kastaba ha ahaatee ciidankan Soomaaliya la keeno caafimaad ahaan ma jiro qof xil iska saarta oo baaritaan kusameysa marka ay soo galayaan gudaha Soomaaliya.