DEG DEG:- Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Baay

Dhaq dhaqaaqa uu Mareykan ka ka aaminsan yahay in ay yihiin Arggigixiso ee Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax khasaaro geystay oo ka dhacay goobta lagu magacaabo Buundo Madoow oo u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo Degmada Daynuunaay ee isla gobolkaas.

Lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee uu geystay qaraxaas, hasa yeeshee Warbaahinta ku hadasha afka Urur diimeedka Alshabaab ayaa baahisay war sheegaya in uu weerarkaas khasaaro geystay.

Qaraxa ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid dhulka lagu aasay, islamarkaana lala beegsaday kollonyo ciidanka Koonfur Galbeed oo kasoo baxay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday xerada ay ku leeyihiin degmada Daynnuunaay.

Weli war cad kama soo bixin dhanka maamulka Koonfur Galbeed, hasa yeeshee sheegashada Alshabaab waxa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan ay soo badanayeen weerarada noocan oo kale ee lala beegsanayay ciidanka maamulka K/G Soomaaliya.