DEG DEG: Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhigyo Ay Alshabaab Lahaayeen (Khasaaraha Iyo Dadka Ku Dhintay)

Deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in saacado yar kahor ay diyaarado dagaal duqeymo xoog badan ay ka geysteen fadhiisimo ay Alshabaab ku lahaayeen halkaas, islamarkaana ay macquul tahay in waxyeelo ay soo gaartay mas’uuliyiinta ururkaas ee kusugnaa goobta la duqeeyay.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaas, balse dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in duqeyntu ay geysatay diyaarrad dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyahay.

Gobolka Jubbada Dhexe waa mid kamid ah gobolada ay ugu badan yihiin Alshabaab fadhiisin ahaa, maadaama uu leeyahay kaymo iyo duur laga dhex dusi karo, islamarkaana lagu dhuuman karo.

Si kastaba ha ahaate dib ayaan idinkala soo socod siin doonaa wixii kasoo kordha wararka duqeyntaas, waxaana laga yaabaa in ay saraakiil Shabaab ah ku waxyeeloobeen.