Cabdiwali Gaas Oo Ku Lug-yeeshay Fadeexad Ka Dhan Ah Beesha Murusade (Sir Muhiim Ah Iyo Kashifaad)

Dhawaan waxaa socday dagaal iyo siyaasad qaboow oo u dhaxeysay beelaha Murasade iyo Majerteen, taas oo ka taagneyd wasaarradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Cabdi Faarax Juxa ayaa xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ee wasaaraddaas Yaxye Cali Ibraahim, taas oo muran ka dhex dhalisay labada beel siyaasiyiintooda.

Madaxwaynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayeey sheegayaan warar hoose in uu qayb ka qaatay xil ka qaadista lagu sameeyay xog haye Yaxye.

Xurguf hoose ayaa dhex martay labada mas’uul, taas oo ciriqeedu kasoo bilawdo Galmudug oo uu kasoo jeedo Yaxye, sidaa darteeda wararka sirta ah ee aynnu helayno waxa ay sheegayaan in Gaas uu telefoonka gacanta kala hadlay wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, kaddibna uu ka dhaadhiciyay qorshihiisa ah in xilka laga qaado xoghaye Yaxye oo ay isku dhaceen.

Ugu Dambeyn laba maalin kaddib markii ay wada hadleen Juxa oo heyb ahaan ay isla dhasheen Gaas, go’aan wuxuu ku gaaray in uu soo saaro wareegto ka dhan ah xilka Yaxye oo ahaa xoghayihii joogtada wasaarradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee hadda sheekada waxa ay kusoo biyo shubanaysaa in gar lawada fadhiisto oo siyaasiyiinta beesha Murusade ay u midoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen Ina Adeerkooda oo xilkiisa si qaldan ku waayay, sida ay aaminsan yihiin.