Alshabaab Oo Kaarar Aqoonsi Ah U Sameyay Odayaal Dhaqameedka Soomaalida (Sheeko Xiiso Badan)

Deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa dhawaan kusoo gabagaboobay Dawro ama Siminnaar ay soo qaban qaabiyeen ururka Alshabaab, kaas oo loo qabtay odayaal dhaqameedyada ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kutub diinni ah ayaa lagu qaadanayay afarta Maalmood ee uu socday siminnaarka, ugu dambeyn gaba gabada waxaa halkaas ka hadlay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dhaq dhaqaaqa Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay aad u ammaaneen doorka odayaasha  ee dawradaas, waxa aynna carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta labada dhinac.

Ugu dambeyn markii lasoo gabagabeeyay Dawrada, odayaashii ka qayb galay waxaa la guddoonsiiyay Kaarar Aqoonsi ah (ID Cards) ay ku mari karaan dhammaan goobaha ay Alshabaab maamulaan, waxaana ay caddeyneysaa middaas in uu yahay qof kasoo baxay shurruudihii ay Shabaab ka doonayeen.

Kaarka waxaa ku qoran, Magaca qofka,  Qabiilkiisa, da’da uu jiro, Goobta uu degan yahay iyo Jagada uu hayo, sidaa darteeda aqoonsigan waxaa kor kaga xardhan astaanta Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.