AKHRISO:- Magacyada 8-da Xildhibaan Ee Ay Maxkamadda Sare Ku Dhaggan Tahay Kiiskooda

In dhawaalle ba waxaa socday muranka u dhaxeeya maxkamadda sare iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo salka ku hayay muranka 8-dda kursi ee maxkamadda ay sheegtay in lagu celinayo oo musuq iyo wax isdaba marin la geliyay.

Shalay ayeey ahayd markii cod aqlabiyad leh ay ku diideen golaha shacabka hadalkii maxkamadda sare, ee ahaa in dib loogu celiyo 8-da kursi ee muranku ka taagnaa, hasa yeeshee sida hadda muuqata sheekada waa ay kasii adkaaneysaa sidii hore, oo madaxda ugu sareysa dalka ayeey xitaa gaartay murankaas.

Haddaba dadka qaar ayaa iswayddiinaya waa kuwee Siddeedda xildhibaan ee booskooda ay maxkamadda sare ku dhaggan tahay, magacyada ayaan idin soo hormarinay, annagoo marka xigta adin soo gudbin doona qabiilada iyo gobolada ay kasoo galeen golaha shacabka.

Liiska Xildhibaanada Qaranka Ee Lagu Dhaggan Yahay!

  1. Cabdullahi Maxamed Aadan Shaacir

  2. Maxamed Siciid Cabdullahi

  3. Maxamed Axmed Abtidoon

  4. Nadiifo Aadan Isaaq

  5. Muna Khaliif Sheekh Abbu

  6. Cabdicasiis Saalax Carmaan

  7. Sharmaake Garaad Saleebaan Bulaale

  8. Samra Ibraahim Cumar