Wiil Soomaali Ah Oo Shaqada U Aqoonsaday Taliye Mareykan Ah (Sheeko Xiiso Badan)

Janeé Harteau oo ahayd taliyaha Booliska magaalada Minneapolis ayaa iska casishay xilkii ay heysay kaddib markii ay ka naxday dilkii uu geystay Maxamed Nuur oo ah wiil Soomaali Mareykan.

Maxamed ayaa toogtay dhammaadka todobaadkii hore Justine Damond oo ahayd 40-jir kasoo jeedda dalka Australia, lamana oga sababta kadambeysa falkaas.

Taas waxa ay keentay in ay is casisho haweeneydii u qaabilsanayd dhanka booliska magaalada falka uu ka dhacay ee Minneapolis.

“Waxa ay ahayd fal laga naxo oo argagax lahaa, ma filayn in ay sidaan wax u dhici karaan, ugu dambeyn waan cambaareyneynaa ayeey hadal kusoo koobtay Jannee Harteau oo ahayd Talihii Booliska Minneapolis.

Is cazilaaddan ayaa imaanaysa xil uu dhawaan falkaas ka hadlay ra’iisul wasaaraha dalka Australia, sidoo kale madax kale ayaa ka hadashay falka noocaas ah, Maxamed na hadda xasbi ayaa loo taxaabay oo waa xukun side, inkastoo uu qarreen qabsaday, haddana mawduucyada majaladaha ugu waa wayn Mareykan ka waxaa saaran wiilkan asal Soomaaliga ah.