DHAGEYSO: WAR NAXDIN LEH: Nin Xaaskiisa Ku Gowracay Xaafadda Suuqa Xoolaha Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir  ayaa ku waramaya in Nin maseersan xaaskiisa  saakay uu ku gowracay Xaafaddaaas.

Aadan cali Macalin ayaa gowracay xaaskiisa oo lagu magcaabi jirey Abshiro Shiikh Nuur Meyle oo 18-sano jir aheyd, waxaana la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay islamarkaana uu saakay aroortii uu ku gowracay hoyga ay ka daganaayeen xaafadda Suuqa Xoolaha.

Mid kamid ah dadka ku nool xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa Warbaahinta u sheegay in dhacdaan ay dhacday saakay aroortii islamarkaana uu baxsaday ninkii falka gowraca ahaa geystay.

Aadan cali Macalin iyo Aadan cali Macalin ayaa isqabay muddo 1-sano iyo todobo bilood,warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu ka maseeray nin hore u soo guursaday Xaaskiisa sidoo kale waxaa la sheegay in ay qaraabo ay ahaayeen ninkaan iyo xaaskiisa.

Dhacdadaan ayaa ah mid saakay si weyn loogu hadal hayo Xaafadda Suuqa Xoolaha.