Maxaabbiistii Ethiopia Ku Xirneyd Oo Muqdisho Kusoo Wajahan Iyo Dawladda Oo Soo Dhawayn U Sameynaysa

Mas’uuliyiin ka kala socda hey’adaha kala duwan ee dawladda ayaa hadda kusii qul qulaya Airport ka magaalada Muqdisho, waxaana ay halkaas kusoo dhawaynayaan qaar kamid ah maxaabbiista Soomaalida ah ee laga soo daayay xabsiyada dalka Ethiopia.

Ra’iisul wasaarre Kheyrre ayaa kala hadlay dawladda Ethiopia in lasii daayo dhammaan maxaabbiista aan dambiga lagu heysan ee sida sharci darrada ah ugu jira xabsiyada dalkaas.

115 Maxbuus baa la filayaa in maanta laga soo dejiyo Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusoo dhawayn doona Xildhibaano, wasiirro iyo bulshada reyidka ah ee magaalada Muqdisho.

Ehelada dadka maxaabiista ah ayaa aad uga mahadceliyay dawladda dadaalkii ay ka geysteen dib u xurriyad helidda carruurtooda.