Markii Ugu Horreysay Lacagaha Dalalka Ethiopia Iyo Kenya Oo Laga Isticmaalay Gobollada Soomaaliya!, Haddaba Waa Gobolkee?

Deegaanada ku teedsan xuduudda Soomaaliya ay la leedahay waddamada Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa ka bilaawday olole lagu isticmaalayo lacagta Shillinka Kenya iyo Birta Ethiopia.

Kaddib markii ay ganacsatada diideen lacagtii Shillinka SOomaaliga ahayd, dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanadaas ayaa door biday in isticmaalaan lacagaha ajaaniibta ah ee waddamada deriska.

Ma jirto nasiib darro ka wayn in Soomaaliya gudaheeda laga isticmaalo lacago waddamada deriska ay leeyihiin, baddalkana la diido lacagtii shillinka ahayd ee Soomaalidu lahayd.