Kun-Shillin Oo Xal U Noqday Xasarraddii Magaalada Gaalkacyo (Xog Aad Layaabi Doontid)

Dalmar Maxamed Cali oo ah xoghayaha dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay warbaahinta in ay xal ka gaareen murankii ganacsata iyo soo dhex galay shacabka, kaas oo salka ku hayay shillinka Soomaaliga.

Dhawaan waxaa magaalada Gaalkacyo ka taagnaa xasarrad, maadaama ganacsata ay diideen isticmaalka Kun-ka Shillin, taas oo dhibaato ku noqotay shacabka halkaas deggan.

Ugu Dambeyn Mas’uuliyiin ka kala socday Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaaladaas, waxaana xalka laga dhigay in ganacsatada ay qaataan lacagaha shillin Soomaaliga, kaddibna waa ay aqbaleen, xalkii magaalada Gaalkacyana waxaa uu noqday Kun shillin Soomaaliyo in la socodsiiyo lana dhaqan geliyo dhammaan wixii lagu heshiiyay.