“Koogaar iyo kadeed!” W.Q. Xasan Cabdulle Calasoow Shiribmaal

“Koogaar iyo kadeed!”

Tuulada Koogaar oo ah Magaalo hoos timaada Degmada Cadale ee gobolka shabeellaha dhexe, dagaalkeeduna soo noqnoqday, oo aan filayo inay tahay markii Seddaxaad oo la gubayo Tuulada.
Mase lihi maxay u dagaallameen, maxay i su dileen, maxay dhulka isugu haystaan wow deeqaaye,  oo  dagaal iyo colaadu dhacdo ugub maaha. Sidaa awgeed waa wax ka dhaca Adduunka aynu ku noolnahay guudkiisa gaar ahaan waddankeenna Soomaaliyeed. Laakin dhacda walba waxay leedahay hab iyo halbeeg loo maareyo, iyo in labada qolo ee is heysata qolooyin ka madax bannaan oo dhex dhexaadiya, una caddaalad fala, la helo. murti ayaa dheheysa: Walaalkaa laba mar ayaa loo hiilliyaa, oo kala ah,  marka uu gardaran yahay gacanta ayaa laga qabtaa oo la yiraa: dhibka jooji. Haddii laga gar daran yahana waa loo dhiciyaa gartiisa. Mararka qaarna waxaa dhacda in haddii labada reer ee colaadi dhex marto heshiiskooda, iyo u kala deb qaadkoda, loo maro awood dowladeed, xeer qabiil ama xaakim diineed, mid uun.

Waana tan aan mar walba is weydiiyo, ee aan niyaddeyda ka go’eyn marna, ee ah aaween deriskoodi iyo dadkii ay labaduba ka dhsheen ee “Mudullood”

Adduunyadu waa agab iyo sooyaal, ee duqownimadii aanu kala dhaxli jirnay ee aheyd oday ka soo gaar goormee laga tanaasulay?”

Caaqil Xasan Geeddi Abtow, oo ahaa Nabaddoon si dadban iyo si muuqabata ula dagaallamay gumeystihii Talyaaniga, aadna u caqli badnaa ayaa hadda ka hor nin Talyaaniya oo Ex-Banaadir wakiil uga ahaa  Gumeystayaasha ayaa waxaa uu u yimid Nabaddoon Xasan Geeddi Abtoow(A.U.N.). waxaana uu ku dhahay: waxaan kaa rabaa inaad Geber i siiso oo aad ii guuriso, Nabaddoon Xasan Geeddi Abtow(A.U.N.). ku siin maayo ma dhihin dagaalna lama gelin ee wuxuu yiri: Annagu waxaan leennahay dhaqan iyo hidde, xeer iyo xukun ku qotoma, oo gabdhaheenna waxaa bixiya Adeerradood ee u doono iyaga. Gaalkii wuxuu yiri: intay joogaan aan u tagee, imiso ayeeyse igu qaadan kartaa?” Nabaddoon Xasan Geeddi Abtow wuxuu ku yiri Gaalkii Talyaaniga ahaa:

Gabadha Adeerkeeda koobaad wuxuu joogaa Mareeg, waxaana la yiraa: Sheekh Daa’uud Culusoow,

Adeerka labaadna wuxuu joogaa: Ceel Abaaji waxaana la yiraa: Sheekh Ibraahim Cali Gacal.

Adeerka Seddaxaadna wuxuu joogaa Cadale waxaana la yiraa: Sheekh Axmed Wacdiyow!

Inaad Seddaxdaa adeer war gelisana waxay kugu qaadanee Dhowr sano, gaalkii Talyaaniga ahaa waa uu ku qancay jawaabtii iyo warbixintii la siiyay, waana ka tanaasulay rabitaankiisi waallida ahaa, asiga oon qofna colaadin!”

Haddaba waxaan u soo qaatay dhacdadaas waayaheedii la soo dhaafay inaan weydiiyo su’aal dadkeeyda maanta nool, aaween dadkii shalay saas u kala dambeeyay oo qaddarinta iyo xushmada heerka sarreysa isu hayay, dhaxalkeey ka tageen iyo dhabbihii ay jeexeen, maxaan uga weecannay?

“Madxa siman talo ka lama qaataan”

Murti ayaa sidaa oraneysa, laba qolo haddii ay dagaasho, ma heshiin karaan ilaa la helo madxa ka waaweyn, kana amar sarreysa, macnaha kaabba qabiillo, cuqaal nabadeed, ama Culimo diineed. Sidaa aawgeed haddii ay is dagaaleen, oo ay is dileen, oo ay xitaa tuuladii iyo deegaankii iska gubeen, heer Koogaar la yaab ku maahan oo waligeed ayaa la dagaali jiray lana heshiin jiray laakin midda qaadan waaga ah waa inaan la helin odayaashii Muddullood magacey doonaanba ha wataano’e Imaamkii aaway? Ugaaskii aaway? Malaaqii aaway? Boqorkii yaraanku aaway? Cuqaashii kale aaway? Culimadii Diintu aaway? Siyaasiyiintii magaca beesha iyo milgeheenna ku maqaam gaaray aaway? Dhalin yaradii, gergaabtii Dumarkii iyo ahalkii kale aaway? Aaway oo aaway?.

Waxaan kusoo afxirayaa qoraalkaan kooban gabaygaan uu tiriyay: Abwaan Shidane Xuseen Bayr, Eebbe how raxmadee oo wax badan la yaabbanaa beesha Mudullood iyo hiilla la’aantooda, ee dhugasho wacan!”

Run la diiday been lagu degdegay derejo naafowday
Dacwada maroodiga dhishee geela daba joogta
Dulucdaya ujeeddada markaan idin dareensiiyo
Mudullood dadaalkiisi waa geel habiin dudaye
Meeshaan u diidaayay aa doonta loo raraye
Dorraad meeshi laga guurayaad duhurki joogtiine
Debadda iyo dalkaba uunka waad ugu dambeysiine
Duul kheyr leh Eebboow adaan lagu la doodeyne
Rabbiyoow ninkii daacad qaba waa dalliicidaye.

Deraja Imaamkeenna iyo magaca Daa’uudba
Waa laba da’oodoo is xiga duubna loo xiraye
Gu’ya deyr is daba jooga ee roobku di’i diido
Durraamada kolkaan soo xirnee daacad lagu keeno
Duceey leeyihiin iyo habaar danab sidiisaaye
Waa laga dambey jiray markay doodi furan tahaye
Waceyslaa cidduu yare haddoow marada soo duubto
Dariiqyada xawaalaha ku yaal kama damoodeene
Dalka fura dareen nabad ka dhiga doqon walaaleeya
Meeshi laysku kiin diri lahaa idinku daawooba
Daawooba niman diin leheey nabadi deeqdaaye.

Maqrib dumay daruuro is qabsaday dahab hillaacaaya
markuu aqalku duug kaa yahaa lagu dadaalaaye
Dal-dalooka meeshii duntaa laga daboolaahe
Duubkiisku xira maanta waa kama dambeystiiye
Nin ku dilay ninkii kugu diraa kaaga sii darane.

Seddax dibi markay habar dugaag hilib ka dooneyday
Iyagaa is daafici jiroo kala dambeeyeene
Dawacadi markii loo direey kala dareene
Midba meel kolkii lagu dileey dib u shallaayeene
Duubkiisku xira maanta waa kama dambeystiiye
Dembiilihii waxaa looga tegay meel dakano taale!”

Abwaan Shidane Xuseen Bayr.

Sawirka koobaad Mudanaha idiinka muuqda waxaa la yiraa: Maxamuud Cali Jimcaale(Caaqil Koogaar) oo ah mudanaha Tuulada loogu maajig daray, ahaana Caaqil inbadan xalli jiray shaqaaqooyinka kasoo cusboonaada dhulkaas iyo guud ahaan beesha dhexdeeda; asigoo ahaa nin ay ka dambeeyaan guud ahaan beesha Muddullood, gaar ahaan Abgaal, Soomaaliduna waxay ku mahmaahdaa:

“Meeshii nin maqan lagu tebo nin jooga ayeey ceebtii tahay”

Maanta ayeeyna taagan tahay, mah-maahdaas kor ku xusan mar haddii aan Duubabkii beesho juuqba dhihi karin, culumadiina ay kaalintoodii gebeen, siyaasiyiintana xaalkoodo alloow sahal ahaa in muddo ah. sow ma taagno in la tebay Caaqil Koogaar, Dr Gabyoow, Macallin Nuur Maxammad Siyaad, Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Ugaas Cabdulle, Malaaq Showri, IWM.

Soow ma taagno in aaan la heyn qof u damqeysa dadkaas maalin kasta macno darrada isku leynaya, oo dowladduna aanay kaalintoodi hoggaamineed qaadan, Maamulkii ay ku hoos noolaayeen ee ay ka tirsanaayeen, ee “Hirshabeellana uu iloobay, oo xitaa aanu tacsiyeyn, Xilmadhibaannada Labada Boqol kor u dhaafaya(200) ee aqal sare, Aqal Hoose, iyo  Hir-Shabeelle leh maxaa ku shibbiyay, xilka yay u sidaan, waaba haddii ay sidaane, waxaa la yiri:

“Xoolo hadday xirradaan Lo’daa looga xil haayay”
Oo macanaha soo hoyaneysa, ee Adeer Muuse Suudi ma kula tahay inow moogyahay, waxa dhacaya, mase dadka dhimanaya ayaa ah “Dameero laga geel leeyahay” Wasiirradu iyagu ma shaqa qaran ayeey ku maqan yihiin oo qabiilkooda waa ka bara mooseen, macnaha ka tanaasuleen moogayaal is mahadiyay, iyo waxay noqdeen adeegayaal aan loo ogeyn. Alloow sahal amuura!” La soco qeybta labaad.

W:Q: Shirib-maal