DEG DEG:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Xog Hayihii Joogtada Wasaaraddaas Iyo Dood Hareysay Shaqadii Wasaaraddaas

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo xoghayihii joogtada wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Mas’uulka xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay in uu si qaldan ula dhaqmay shaqaallaha dawladda, kaddibna xilkiisa uu sidaas ku waayay.

Reer ahaan wuxuu kasoo jeedaa Beesha uu kasoo jeedo ra’iisul wasaarre Kheyrre, sidaa darteeda waxaa macquul ah in uu ka biyo diido arrintaas, aynna keento khilaafka ka dhex abuurma wasiirka iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaas oo salka ku haya xilka qaadistaas lagu sameeyay xog hayihii joogtada wasaarradda arrimaha gudaha.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtadii xilka looga qaaday Yaxye Cali Ibraahim oo sidoo kale ah milkiilaha iskaleh Jaamacadda SIU ee magaalada Muqdisho.