Dawladda Qatar Oo Soomaaliya Ka Dhisaneysa Safaaradda Labaad Ee Ugu Wayn Caalamka (Xog Muhiim Ah)

Kaddib go’aankii ay dawladda Soomaaliya ka gaartay khilaafka labada quwadood ee Khaliijka, dawladda Qatar ayaa qorsheynaysa inay ka dhisato magaalada Muqdisho safaaraddeeda cusub.

qorshaha Doha ay ku dooneyso in ay ku dhisato safaaradda cusub waxaa la socda in ay noqoto midda ugu wayn ee ay caalamka ku leedahay dawladdaas.

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa horey safaarrado ugu dhistay Muqdisho, hasa yeeshee tan Qatar ee hadda la qorsheynayo waa ay ka waynaan doontaa dhammaan safaarradaha ku yaalla Soomaaliya.

Horey ayeey ahayd markii dawladda Qatar ay safiir ugu magacaawday Soomaaliya, waxaana ay safaaraddooda degan tahay agagaarka Madaxtooyadii Cabdiqaasim ee degmada Hodan.