Ciidamada AMISOM oo Laga Rarayo Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Khadiijo Max’ed Diiriye oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM dhawaan laga rari doono Garoonka kubada Cagta Stadium Muqdisho oo fariisin  ay ka sameyteen muddo ka hor.

Wasiir Khadiijo Max’ed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaradeeda ay meel fiican u marayso qorshaha ku aadan in Ciidamada AMISOM laga raro Garoonka Kubada Cagta ee Stadium, kaasi oo haatan Saldhig malatari ay ka sameysteen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM,waxayna sidoo kale sheegtay in Dowladda ay diyaarisay habkii loo sugi lahaa amaanka goobtaas hadii laga saaro Ciidamada.

“Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya  waxaa meel fiican u maraya qorshaha Ciidamada AMISOM loogu rarayo Garoonka Stadium Muqdisho, runtii waa Garoon u muhiim ah shaqada Wasaaradda Ciyaarayaha, dib u dhis ayaa lagu sameyn doonaa, sidoo kale Ciidamada boolis ah ayaa la geyn doonaan kuwaasi oo sugaya amaanka Garoonka”, ayay tiri Wasiir Khadiijo Max’ed Diiriye.

Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho ayaa waxaa Saldhig ku yeeshay Ciidamada AMISOM tan iyo markii ay dagaalada  ka dhaceen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya,waxaana halkaas ka muuqdo burbur aad u xoogan.