Axmed Madoobe Oo Booqasho Qabiileysan Ku Aadaya Gobolka Gedo

Keligii Taliyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoowe ayaa safar qabiileysan ku aadi doona degmooyin kamid ah gobolka Gedo.

Safarka Axmed Madoobe ayaa ka bilaawan doono degmada Doollow ee gobolka Gedo, kaddib wuxuu sii mari doonaa qaybo kamid ah gobolkaas, isagoona la kulmi doona qaar kamid ah odayaal beeleydka degmooyinkaas.

Kahor inta uusan ka bixin Kismaayo wuxuu ka qayb gali doonaa furitaanka shirka dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Safarka wuxuu kula kulmi doonaa odayaasha beesha MAreexaan ee ku nool gobolka Gedo, sidoo kalena wuxuu rejeynayaa in uu u noqdo safarkii ugu horreyay ee uu ku aadayo gobolkaas tan iyo markii uu si rasmi ah u noqday madaxwaynaha maamulkaas, inkastoo weli keligii talisnimo ay kujirto.