AKHRISO: Xoghayihii Joogtada W.Arrimaha Gudaha oo shaqo joojin lagu sameeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta ku dhawaaqay in  shaqo joojin uu ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo ku heyb ah R/wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Yaxye Cali Wada shaqeyn xumo.

Dhankale Wasiirka ayaa u magacaabay Xoghayaha Joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu si KMG ah Xilkaasi u qabto nin lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud Xasan.